explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay fadliga Ilaahay iyo raxmadiisa, hadii Qofka Muslimka ahi caadaysto inuu sameeyo camal wanaagsan marka uu caafimaadka qabo ee Gurigiisa joogo ka dibna uu ku yimaado wax cudurdaar ah sida Jiro oo uu awoodi waayo inuu camalkii suubiyo ama uu kaga mashquulo safar ama wax kale, waxaa loo qoroyaa ajar kaamil ah sidii isagoo sameeyey camalka markuu Gurigiisa joogay oo uu caafimaadka qabay oo kale.

explain-icon

fawaed

  • Xadiiska waxaa ku sugan Ilaahay fadligiisa waasica ah ee uu siiyey Adoomadiisa.
  • Waxaa la isku boorinayaa in lagu dadaalo cibaadada oo laga faa'iidaysto waqtiga caafimaadka iyo firaaqada la ahaysto.