Rag Mushrikiinta ka mid ah ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna gaysteen dilal badan iyo Sino, waxay ku dheheen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Diinta aad dadka ugu yeeraysaa iyo waxa laga baranaayo waa wax fiican, laakiin ka waran muxuu yahay xaalkayagu iyo wixii aanu soo falnay ee ah, Shirki iyo Dambiyo waawayn, ma leeyihiin wax kafaaro gud ah?. Waxaa soo degay labada Aayadood, taasoo Ilaahay kaga aqbalay dadka towbadii iyagoo sameeyey Dambiyo badan oo waaweyn, hadayna sidaas dhici lahayna waxay ku sii jiri lahaayeen Gaalnimadooda iyo kibirkooda mana soo galeen Diintaan.