explain-icon

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in muslimiinta xaalka dhexdooda ahi yahay kuwo jecel khayrka, naxariista, is caawinta iyo isu gargaarida, oo wixii dhib soo gaara uu u wada saameeyo sida jir qura, oo hadii xubin ka xanuunsato xubnaha kale ee jirku la qabayaan xanuunka iyo soo jeedkaba.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa habboon in la weyneeyo xuquuqda muslimiinta, laguna dhiirigaliyo inay iskaashadaan, oo isu naxariistaan.
  • Waxaa habboon in dadka Ahlu iimaanka ahi is jeclaadaan oo isu gargaaran dhexdooda.