Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay waxa ugu horeeya ee loo kala xukumayo dadka is dulmayey Maalinta Qiyaamaha waa: Dhiiga, sida dilka iyo dhaawacyada.
Dambiyadu waxay u kala daran yihiin kolba fasahaadka ka dhalanaya sida uu yahay, Nafta aan waxba gaysan oo la dilaana waa dambiyada ugu waawayn, wax ka wayna ma jiraan Gaalnimada iyo in Ilaahay loo shariig yeelo mooyee.