Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofna uusan dhaafayn meesha la isku xisaabinaayo Maalinta Qiyaame oo uusan aadayn Jano ama Naar ilaa la weydiiyo arimo: Mida 1aad: noloshiisii wuxuu ku dhameeyey? Mida 2aad: cilmigii uu bartay dar Ilaahay ma ka ahaa? mase ku camal falay? oo ma gaarsiiyey cilmiga cidii xaqa u lahayd? Mida 3aad: maalkiisii halka ayuu ka keeney, ma xalaal mise xaaraan buu ku soo galay?, muxuuse ku bixiyey, ma wax Ilaahay raalli geliya mise wax ka caraysiiya. Mida 4aad: jirkiisii, Xooggiisii, Caafimaadkiisii, Dhallin yaranimadiisii wuxuu ku dhameeyey oo u adeegsaday?