explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Maalinta Qiyaamaha uu joogidoono Xawdkiisa isagoo eegaya cida Ummaddiisa ah ee ku soo arooraysa Xawdka. Dad ayaa laga kaxaysan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee agtiisa wuxuuna orandoonaa Nabigu: Rabiyow, anigay iga mid yihiin oo Ummaddayday ka mid yihiin. Waxaa lagu dhihin: ma og tahay waxay sameeyeen markaad ka tagtay, walaahi kama ay suulin inay dib ugu laabteen gadaashooda oo ay ka noqdaan Diintoodii, kaa mid maaha, Ummaddaadana ka mid maaha.

explain-icon

fawaed

  • Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u naxariistay Ummaddiisa oo u dadaalay.
  • khatar ayey leedahay in la khilaafo Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  • Xadiiska waxaa ku sugun in la isku boorinayaa in la qabsado Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.