Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu ku dhaartay inay weelasha xawdkiisu maalinta qiyaamaha ka tiro badan yihiin xidigaha iyo meerayaasha samada. Arinkaasina wuxuu muuqanayaa habeenka gudcurka ee dayax uusan jirin; waayo habeenka dayaxu jiro xidiguhu aad uma muuqanayaan iyadoo iftiinka dayaxu qarinayo, waa habeenka aanay daruuro jirin, waayo daruuruhu waxay qarinayaan aragtida xidigaha. Weelasha janada, qofka ku caba cabitaanka ku jira ma haraadayo waligi, wuxuuna ahaanayaa haraadkaa uu u cabay haraadkii ugu dambeeye ee uu haraado. Xawdka Nabiga waxaa ku soo shubmaya labo majaroor oo janada ka imaanaya, xawdkaas balaciisa iyo dhererkiisu waa isku mid. Xowdka way is le'eg yihiin cirifyadiisu, dhererkiisa iyo balaadhkiisu waa inta u dhexeysa Cammaan oo ah tuulo ku taal Balqa'a kana tursan Shaam, ilaa Ayla oo ah magaalo caan ah oo ku taalo Shaam geesteeda. Biyaha xowdku way ka cad yihiin caanaha, wayna ka macaan yihiin dhadhanka malabka.