Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Ummaddiisa ku booriyey i Qofka maqla Mu'adinka Salaada u adimaya inuu ka daba dhoho wuxuu leeyahay Mu'adinku, marka laga reebo xay calataynka, labadaa wuxuu ka daba dhahayaa: laa xawla walaa quwata ilaa Billaah, ka dib Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayuu ku saliyayaa marka Aadaanku dhamaado, Qofka hal mar ku saliya sababteeda Ilaahay wuxuu ugu saliyaa toban Salaadood, Salaada Ilaahay ku saliyaayo Adoonkiisa macnaheedu waa in Ilaahay Adoonka ku amaanayo malaa`igta agteeda. Ka dib wuxuu faray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in Ilaahay loo weydiiyo ''wasiila'', waana darajo Janada ka mida, waana tan ugu saraysa, waana darajo aan ku haboonayn una qalmin hal Adoon oo Adoomada Ilaahay ka mida mooyee, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa inaan noqdo Adoonkaa, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sidaa u yiri waa tawaaduc, waayo hadii darajadaas sare hal Qof mudan yahay, Qofkaasi isaga maahee cid kale ma noqonaayo, waayo isagaa ugu fadli badan khalqiga. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay Nabiga uga barya ''wasiilo'' inuu halayo shafaacada Nabiga scw.