explain-icon

Sharaxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay dabka aan shidano inuu yahay qayb ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ka mid ah. Naarta Aakhiro kulaylkeedu wuxuu ka badan yahay dabka Aduunka sagaal iyo lixdan jeer, oo qayb kastana u dhiganto kulaylka dabka Aduunka. Waxaa lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow, Naarta Aduunka ayaa ugu filan cadaab cidii gelaysa. Wuxuu yiri: Naarta Jahanama waa laga siyaadiyey kulaylka dabka Aduunka sagaal iyo lixdan jeer oo dhamaantood kulaykoodu iyadoo kale yahay.

explain-icon

fawaed

  • waxaa la isaga digay Naarta si dadku uga fogaadan samaynta ficilada Naarta lagu mutaysto.
  • Xadiiska waxaa ku sugan weynaanta Naarta Jahanama iyo cadaabkeeda, iyo kuleylkeeda oo daran.