(Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay naartuu galayaa)

Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiiye wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka scw Ilaahay isagoo dhahaya: (Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay naartuu galayaa).
Sahih/Authentic. - Muslim

Nabigu scw wuxuu sheegay qofka dhinta isagoo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin wuxuu ku dambaynayaa janada, xataa hadiiba loo cadaabo dabmiyo uu galay, qofkase dhinta isagoo u shariig yeelaya Ilaahay kaasi naarta ayuu ku waarayaa.

  1. Fadliga towxiidka, iyo inuu sabab u yahay in qofku kaga badbaadayo naarta ku waarideeda.
  2. Adoonku waa u dhaw yahay janada iyo naarta , waxaan dhimashada ahayna kama xigaan labadaas.
  3. Waxaa laga digayaa shirkiga kii yar iyo kan badanba, waayo in naarta laga badbaado waxay ku xiran tahay isaga oo laga fogaado.
  4. Camalka aqbalaadiisu waxay ku xiran tahay khaatumada.

Successfully sent!