explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka dhinta isagoo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin wuxuu ku dambaynayaa Janada, xataa hadiiba loo cadaabo dabmiyo uu galay, qofkase dhinta isagoo u shariig yeelaya Ilaahay kaasi Naarta ayuu ku waarayaa.

explain-icon

fawaed

  • Fadliga towxiidka, iyo inuu sabab u yahay in qofku kaga badbaadayo Naarta ku waarideeda.
  • Adoonku waa u dhaw yahay Janada iyo Naarta , waxaan dhimashada ahayna kama xigaan labadaas.
  • Waxaa laga digayaa shirkiga kiisa yar iyo kiisa badanba, waayo in Naarta laga badbaado waxay ku xiran tahay shirkiga oo laga fogaado.
  • Camalka aqbalaadiisu waxay ku xiran tahay khaatumada.