Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa-ha ahaatee waxa ugu badnaa ee uu uga cabsi qabay ummaddiisa wuxuu ahaa: shirkiga yar oo ah: is tustuska, kaasoo ah inuu qofku wax u sameeyo dadka dartood. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay ciqaabta ku dhicidoonta dadka istustuska wax u sameeya, laguna oran doono Maalinta Qiyaame: socda oo u taga kuwaad dartood camalka u samayn jirteen, bal soo eega inay idiin awoodaan inay ajar idinka siiyaan camalkii aad u samayseen?!