explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay qofkii ku dhaarta cidaan Ilaahay ahayn iyo magacyadiisa iyo sifaadkiisa inuu Ilaahay ku kufriyey ama uu shirki la yimid, waayo dhaartu waxay keenaysaa weynaynta cida lagu dhaaranayo, weynayntana Ilaahay kaligi ayey u sugnaatay, laguma dhaarto Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa cidaan ahayn. Dhaartaasina waxay ka mid tahay Shirkiga yar, laakiin hadii qofka dhaartay uu u wayneeyo wuxuu ku dhaartay sida weynaynta Ilaahay oo kale ama ka siidaran, markaa wuxuu noqonayaa Shirkiga weyn.

explain-icon

fawaed

  • Dhaarta in lagu weyneeyaa waa xaq Ilaahay leeyahay, Isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee, laguma dhaarto cidaan Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa ahayn.
  • Asxaabtu waxay ku dadaaleen wanaag faridiisa iyo xumaanta reebideeda, gaar ahaan hadii xumaantu tahay mid Shirki iyo Gaalnimo la xiriirta.