Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu saxaabadiisa uga waramay dajaal, tilmaamihiisa iyo calaamadihiisa iyadoo uusan jirin Nabi hore uga waramay, waxaana ka mid ah calaamadahaa: Inuu weershe yahay. Ilaahay wuxuu u sahlay oo la socda wax la moodo Jano iyo naar, waa sida dadku u arkaan. laakiin Janadiisu waa Naar Naartiisuna waa Jano, qofkii raaca wuxuu galinayaa Janadaas sida dadk u muuqata, laakiin waa Naar wax gubaysa, qofkii ku caasiyana wuxuu galinayaa Naarta sida dadka u muuqata, laakiin waa Jano fiican. Ka dib Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu inooga digay fitnada dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii.