Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Islaamku ku faafidoono meel walba oo Dhuka ka mida, Diinta Islaamku waxay gaaridoontaa meelkasta oo Habeenka iyo Maalitu gaaraana, Ilaahayna ka tagi maayo Guri Magaalo, Tuulo, Baadiye iyo Saxaraha midna ee wuu galinayaa Diintaan. Qofka qaata Diinta Islaamka ee iimaanka laga helo wuxuu noqon mid lagu sharfo sharafta Islaamka, Midka iska Diida ee ku gaalooba Diinta wuxuu noqon mid duliya oo ihaanaysan. Intaa ka dib saxaabiga Tamiim addaari-Allaha ka raali ahaadee- ayaa sheegay inuu arinkaa ku arkay dadka isaga eheladiisa ah, oo inta ka islaamtay khayr iyo sharaf iyo cisi heleen, inta Gaalnimada qaadatayna duli iyo ihaano ku dhacday, iyagoo waliba jisyo bixinaya oo Muslimiinta siinaya.