explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Naarta lagu hareereeyey waxyaabaha naftu jeceshahay ee xaaraanta ah iyo waajibaadka oo laga gaabiyo. Qofka Naftiisa raacsiiya hawadeeda wuxuu ku helayaa Naarta. Janada waxaa lagu wareejiyey waxyaabaha naftu dhibsato, sida joogtaynta wixii Ilaahay amray, iyo ka tagida xaaraanta iyo arinkaas oo lagu sabro, haduu Qofku Naftiisa ku jihaado wuxuu ku helayaa Janada.

explain-icon

fawaed

  • Sababaha loogu dhoco shahawaadka waxaa ka mida in shaydaanku u qurxiyo Munkarka iyo waxa xun, ilaa ay naftu u aragto wax wanaagsan oo ay u leexato.
  • Waxaa la farayaa dadku inay ka fogaadaan shahawaadka xaaraanta ah, waayo waa dariiq Naarta geynaaya, waxa kaloo la is farayaa in lagu sabro khayrka ay naftu dhibsato, waayo waa dariiqa Janada geynaaya.
  • Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga uu leeyahay Nafta oo lala jihaado iyo cibaadada oo lagu dadaalo oo lagu sabro waxa naftu nacayso iyo mashaqada cibaadada ku xeeran.