Rasuulka Ilaahay scw waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaagga

Abii Hurayra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaagga ", waxa kaloo la waydiiyey waxa ugu badan ee naarta lagu galo, wuxuuna yiri: "waa afka iyo farjiga."
Hasan Sahih /Sound-Authentic. - At-Tirmidhi

Nabigu scw wuxuu cadeeyey asbaabta ugu wayn ee janada lagu galo inay yihiin labo sababood oo ah: Ilaahay cabsidiisa iyo akhlaaq wanaagsan. Ilaahay cabsidiisu: waa inaad samaysataa wax cadaabka Ilaahay kaa xigsada, taasoo ah inaad amarkiisa raacdo kana fogaato wixii uu kaareebay. Akhlaaq wanaaguna: waa waji furnaanta, wanaag samaynta iyo dhibka oo la joojiyo. Asbaabta ugu wayn ee naarta lagu galana waa labo sababood, ku waasoo ah: Carabka iyo farjiga. Carabka macsidiisa waxaa ka mid ah: beenta, xanta, isku dirka iyo wixii la mid ah. Farjiga macsidiisa waxaa ka mid ah: sinada, khaniisida, iyo wixii la mid ah.

  1. Galitaanka janadu waxay leedahay sababo Ilaahay ku xiran, waxaana ka mida Ilaahay cabsidiisa, iyo sababo dadka ku xiran, waxaana ka mid ah: akhlaaq wanaaga.
  2. Khatarta carabku u leeyahay qofka, iyo inuu ka mid yahay asbaabta naarta lagu galo.
  3. Khatarta shahawaadka iyo fuxshigu u leeyihiin dadka, iyo inuu ka mid yahay asbaabta ugu badan ee naarta lagu galo.

Successfully sent!