Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey asbaabta ugu wayn ee Janada lagu galo inay yihiin labo sababood oo ah: Ilaahay cabsidiisa iyo akhlaaq wanaagsan. Ilaahay cabsidiisu: waa inaad samaysataa wax cadaabka Ilaahay kaa xigsada, taasoo ah inaad amarkiisa raacdo kana fogaato wixii uu kaareebay. Akhlaaq wanaaguna: waa waji furnaanta, wanaag samaynta iyo dhibka oo la joojiyo. Asbaabta ugu wayn ee Naarta lagu galana waa labo sababood, ku waasoo ah: Carabka iyo Farjiga. Carabka macsidiisa waxaa ka mid ah: Beenta, Xanta, isku dirka iyo wixii la mid ah. Farjiga macsidiisa waxaa ka mid ah: Sinada, Khaniisida, iyo wixii la mid ah.