explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu maqlay nin Walaalkii ku waaninaaya inuu ka tago Xishoodka badan! wuxuuna u cadeeyey Nabigu inuu Xishoodku iimaanka ka mid yahay, waxaan khayr ahayna ma keenayo. Xishoodkuna waa akhlaaqda ku bixinaysa Qofka inuu wanaaga sameeyo oo xumaanta ka tago.

explain-icon

fawaed

  • Wixii khayrka kuu diida laguma magacaabo Xishood, balse waxaa lagu magacaabaa Khajilaad, Caajisnimo, Daciifnimo iyo Fulaynimo.
  • Ilaahay Casa Wajala oo laga xishoodaa waa iyadoo amarkiisa la qaato, iyo wuxuu reebay oo laga tago.
  • Dadka oo laga Xishoodaana waa in la ixtiraamo, ee la darajeeyo, iyo in laga fogaado wixii dhaqan ahaan xumaynaya.