Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey mid ka mida sababaha xoojinaya xiriirka Muuminiinta iyo is jacaylkooda, taasoo ah hadii Qof jeclaado Walaalki ha u sheego inuu jecel yahay.
fawaed
Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga ay leedahay maxabada Ilaahay darti u khaaliska ah, ee aysan ku jirin maslaxad Aduun.
Waa Suno in loo sheego kan Ilaahay darti loo jecel yahay, jacaylka loo qabo, si uu u sii korodho jaceylka iyo isku duubnaantu.
Muuminiinta dhexdooda ee lagu faafiyo is jeclaanta waxay xoojisaa Walaalnimada iimaaniga ah waxayna Bulshada ka ilaalisaa inay kala furato oo kala tagto.