Miqdaam Binu Macdi Karib Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: (Hadii qofku Ilaahey darti u jeclaado walaalkiisa muslimka ah ha u sheego inuu jecel yahay).
Sahih/Authentic. - At-Tirmidhi

Nabigu scw wuxuu cadeeyey mid ka mida sababaha xoojinaya xiriirka mu'uminiinta iyo is jacaylkooda, taa soo ah hadii qof jeclaado walaalki ha u sheego inuu jecel yahay.

  1. Fadliga ay leedahay maxabada Ilaahay darti u khaaska ah, ee aysan ku jirin dan gaara.
  2. Waa suno in loo sheego kan Ilaahay darti loo jecel yahay, jacaylka loo qabo, si uu u sii korodho jaceylka iyo isku duubnaantu.
  3. Mu'uminiinta in dhexdooda lagu faafiyo is jeclaanta waxay xoojisaa walaalnimada iimaaniga ah waxayna bulshada ka ilaalisaa inay kala furato oo kala tagto.

done