Kama mid ahayn Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee akhlaaqdiisa hadalka xun iyo ficilka xuni, mana ahayn mid u qasda xumaanta ama ula kac u sameeya xumaan, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid akhlaaq wayn leh. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jiray kan Ilaahay xagiisa idiinku fadliga badan waa kan idiinku akhlaaq wanaagsan, sida wanaag bixinta waji furnaanta, dhib la'aanta, u dul qaadashada dadka, iyo dad la dhaqanka wanaagsan.