explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay casa wajala Adoomadiisa uu qaar jecel yahay. Waxaa ka mida kan taqiga ah: ee amarka Ilaahay ku taagan, kana fogaada wixii Ilaahay ka reebay. wuxuu jecel yahay kan qaniga ah: waa kan Ilaahay casa wajala kaga kaaftooma dadka oo Ilaahay mooyee aan cid kale eegayn. Ilaahay wuxuu jecel yahay kan qarsoon: ee tawaaduca ee rabigi caabuda oo ka shaqeeya wixii isaga anfacaaya, kaaso aan ahmiyad siinin in qofna barto ama la sheeg sheego oo la amaano.

explain-icon

fawaed

  • waxaa la cadeeyey qaar ka mida sifaadka keenaya in Ilaahay jeclaado adoomadiisa, sida taqwada, tawaaduca iyo in lagu raali ahaado wixii Ilaahay siiyey.