Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay nagu waajibiyey inaan shay walba u ixsaan falo, Ixsaankuna: waa in Ilaahay si joogto inoo ilaalinaayo, oo uu eegaayo caabududiisa, bixinta khayrka, dadka oo dhibka laga daayo, ixsaankaas waxaa soo galaya dilka iyo gawraca. Ixsaanka qisaastu waa: in loo dooro dariiqa ugu sahlan oo ugu fudud oo ugu dhaqso badan oo Nafta looga goyn karo kan la dilaayo. ixsaan falka gawracu waa marka la gawracyo: oo waa in loogu naxariisto Neefka in la afeeyo Midida, oo aan hortiisa lagu afayn isagoo eegaya, ama xoolo kale oo u jeeda aan la gawricin.