Nabigu scw wuxuu naxariis ugu duceeyey qof kastoo sahlan oo deeqsiya oo sakhi ah markuu wax iibinaayo. Kuma adkeeyo sicirka qofka wax ka iibsanaya, wuxuuna kula dhaqmaa akhlaaq fiican. waa qof sahlan oo deeqsi ah oo sakhi ah oo markuu wax iibsanayo ma bakhso mana yareeyo qiimaha badeecada. Waa qof sahlan oo deeqsi ah oo sakhi ah markuu dayntiisa, waydiisanayo, kuma adkeeyo faqiirka iyo kan baahan, balse wuxuu u waydiiyaa si fudud oo naxariisi ku jirto, wuuna ka sugaa kaan haysan.