(Jileecu shayga uu galao wuu wanaajiyaa, shaygii laga siibana wuu xumaadaa

Caa'isha oo ahayd xaaskii Nabiga scw waxay ka warisey Nabiga scw inuu dhahay: (Jileecu shayga uu galao wuu wanaajiyaa, shaygii laga siibana wuu xumaadaa.
Sahih/Authentic. - Muslim

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in jileeca iyo dabac sanaata xaga hadalka iyo ficilkuba ay u siyaadiso arimaha qurux, kamaal, iyo wanaag waxayna u dhawdahay in qofka sidaa suubiya uu dantiis gaaro. Dabacsaan la`aantu arimaha way ceebaysaa oo xumaysaa waxayna u diidaa qofka sameeya inuusan dantiisa gaarin ama uu ku gaaro dhib.

  1. Waxaa la isku boorinayaa ku dhaqanka akhlaaqda dabacsan.
  2. Dabacsaantu qofka way qurxisaa, waxayna sabab u tahay khayr kasta oo arimaha diinta ama aduunyada ah.

Successfully sent!