explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in jileeca iyo dabacsanaata xaga hadalka iyo ficilkuba ay u siyaadiso qurux arimaha, kamaal, iyo wanaag waxayna u dhawdahay in Qofka sidaa suubiya uu dantiisa gaaro. Dabacsaan la`aantu arimaha way ceebaysaa oo xumaysaa waxayna u diidaa Qofka sameeya inuusan dantiisa gaarin ama uu ku gaaro dhib.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa la isku boorinayaa ku dhaqanka akhlaaqda dabacsan.
  • Dabacsaantu Qofka way qurxisaa, waxayna sabab u tahay khayr kasta oo arimaha Diinta ama aduunyada ah.