explain-icon

Sharaxaad

Asaxaabta Nabiga mid ka mida ayaa waydiistay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu tuso wax anfacaya, wuxuu faray inaanu caroon, oo macnaheedu yahay inuu ka fogaado sababta u keenaysa carada, iyo inuu Naftiisa hanto markuu caroodo, oo aanu ku sii socon caradiisa oo aanay gaarsiin inuu wax dilo ama garaaco, ama caayo, iyo wixii la mida. Ninku waa ku celceliyey codsigiisa uu dardaaranka ku rabay dhowr jeer, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka ma siyaadin ereygii ahaa " "ha caroon ".

explain-icon

fawaed

  • Waa laga digay carada iyo sababteeda, waayo waa halka shartu ku kulanto, in carada laga xoroobana waa halka khayrku ku kulmo.
  • Ilaahay darti in loo caroodo sida carada marka lagu xud gudbo Ilaahay maxaarimtiisa waa caro wanaagsan.
  • Xadiiska waxaa ku sugan in hadalka lagu celceliyo markay baahi jirto ilaa uu fahmo kan dhagaysanayaa oo uu garto ahmiyadiisa.
  • Xadiiska waxaa ku cad inay Fadli leedahay in la waydiisto dardaaran Qofka caalimka ah.