Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay qofka ku dhawaaqa kalimada towxiidka isagoo macnaheeda garanaaya kuna camal falayaa waxay keenayso. Ee qira adoonimada Maxamad iyo risaaladiisaba-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo adoonimada Ciise iyo risaaladiisaba. Ee qira inuu Ilaahay ku abuuray Nabi Ciise hadalkiisa ah " kun " uuna sidaa ku ahaaday, uuna yahay ruux ka mid ah arwaaxda Ilaahay abuuray. Ee ka bari yeela Nabi Ciise hooyadi wixii ay yuhuudu ku sheegtay. Ee rumeeya in janadu xaq tahay, naartuna xaq tahay, oo aamina in labaduba jiraan, oo ay yihiin nicmada Ilaahay iyo cadaabta Ilaahay Ee sidaana ku dhinta, kaasi wuxuu ku dambaynayaa janada camalkiisuba ha yaraado dambiyana ha lahaadee.