Nin reer Najdi ah ayaa u yimid Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ninkaasoo Timo basaasan lahaa, Codkiisuna aad u dheeraa, wuxuu sheegayana aan la fahmayn ilaa uu Rasuulka u soo dhawaaday, wuxuuna wax ka waydiiyey arkaanta Islaamka?. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku bilaabay Salaada, wuxuuna u sheegay in Ilaahay ku farad yeelay Habeenkii iyo Maalintii Shan Salaadood. Wuxuu yiri: ma igu waajibaa Salaado kale oo aanSshantaa ahayn? Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: maya inaad Salaadaha Sunada ah tukato maahee. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu ku yiri: waxaa Ilaahay kugu waajibiyey Soonka Bisha Ramadaan. Ninkii wuxuu yiri: soon kale oo aan intaa ahayn miyaa igu waajiba? wuxuu yiri: maya, inaad Soon Suno ah Soontid maahee. Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu sheegay Sakada. Ninkii wuxuu yiri: ma sadaqo kale ayaa igu waajib ah oo aan Sakada faradka ah ahayn? wuxuu yiri: maya, inaad Sadaqaysato maahee. Ninkii markuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabahaas faradka ah wuu jeensaday wuuna dhaqaaqay, wuxuuna Ilaahay ugu dhaartay inuu intaa laasimi doono isagoon wax ku darin waxna ka dhimin, Rasuulka ayaa yiri intaa ka dib: haduu ka run sheego wuxuu ku dhaartay wuxuu ka mid ahaanayaa kuwa liibaanay.