explain-icon

Sharaxaad

Nabigu wuxuu sheegay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Ilaahay Qiiroodo caroodna karaahsadona, sida Muuminku u Qiiroodo una Caroodo una Karaahsado, sababta Ilaahay u caroodana, waa in Muuminku la yimaaddo waxa Ilaahay ka xarimay ee xumaan ah, sida Sinada, Khaniisida, Tuugada, Khamri cabida iyo xumaanta kale.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa laga digayaa carada Ilaahay iyo ciqaabtiisa hadii lagu dhaco wuxuu xarimay.