Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu xadiis qudsigaan ku cadeeyey in Ilaahay sheegay in mushrikiinta iyo kufaartu Ilaahay beeniyeen oo ay ku sifeeyeen naaqusnimo iyo ceebo, inay sidaas yeelaana kuma haboonayn. Beenintooda ay Ilaahay beeniyeen waa inay sheegteen inaanu Ilaahay u abuuuri doonin markay dhintaan ka dib in mar labaad uu sidoodii hore oo uu cidla ka abuuray u abuuri karo, wuxuuna Ilaahay ugu jawaabay Ilaahii awalba iyagoon jirin abuuray uu awoodaa inuu soo celiyo oo ugasii fudud, waloow Ilaahay ay u wada siman yihiin abuurida iyo soo celintuba, Ilaahay wax walba waa awoodaa. caydooduna: waa hadalkooda: Ilaahay ilmo ayuu leeyahay, wuxuuna Ilaahay ugu jawaabay: inuu yahay Ilaah keli ah, oo la keliyoobay kaamilnimo xaga: magacyadiisa, sifooyinkiisa, afcaashiisa, oo uu ka nasahan yahay naqsi iyo ceeb oo dhan, oo uu yahay Samad aan cidna u baahnayn qof walban uu u baahan yahay, oo qofna uusan waalid u ahayn, oo qofna u ahayn ilmo, cid i la midana aysan jiri mid ila mida iyo mid ii egtoona jirin Ilaahay waa kii xumaan ka nasahan oo sareeya.