Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay qadaray Xasanaadka iyo Dambiyada ka dibna uu u cadeeyey laba Malag siday u qori lahaayeen. Qofka damca oo goosta oo u qasda inuu Xasano sameeyo waxaa loo qoraa hal Xasano isago aan samaynba, haduu sameeyo waxaa loo laalaabaa toban laabkeed, ilaa Todoba Boqol oo laalaab ilaa laalaabyo badan, siyaadaduna waa kolba inta ikhlaas Qalbiga ku jirta, iyo wax tarkii uu gudbiyey iyo wixii la mida. Qofka damca oo u qasda oo goosta inuu dambi sameeyo ka dibna Ilaahay darti u daaya waxaa loo qoraa Xasano, haduuse ka mashquulo oo uusan asbaabteeda la imaan waxba looma qoro, hadiise uu kari waayo waxaa loo qoraa niyadiisa wixii ku jiray. haduu sameeyana waxaa loo qoraa hal Dambi.