Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku sheegay xadiiskaan qudsiga ah in Ilaahay weyne yiri: Qofka dhiba wali ka mida awliyadeyda, oo ka caraysiiya waxaan ogaysiiyey colaad. Waligu waa: Mu'uminka Taqiga ah, qofka kolba inta iimaankiisa iyo Ilaah ka cabsiqiisu dhan yahay ayuu noqonayaa nasiibkiisa uu ka helaayo walinimada Ilaahay. Muslimku uguma soo dhawaado Rabigi shay uu ka jecel yahay wixii uu ku faral yeelay oo uu ku waajibyey oo ah samaynta daacada iyo ka tagida muxaramaatka, Muslimkuna ka suulimaayo inuu Rabigi ugu soo dhawaado sunanta iyo faralka, ilaa uu gaaro jeclaanta Ilaahay. Markuu Ilaahay jeclaadana Ilaahay wuxuu u toosiyaa xubnahan afarta ah: Ilaahay wuxuu u toosiyaa maqalka oo ma maqlo wax aan Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa aragiisa, oo ma eego wax aan Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa gacantiisa, oo kuma qabto wax aanu Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa lugtiisa oo kuma aado meel aan Ilaahay raali ka ahayn, oo uguma socdo wax aan khayr ahayn. Intaa waxaa u dheer haduu Ilaahay wax waydiisto Ilaahay wuu siinayaa, oo wuxuu noqonayaa mid ducadiisa la aqbalo, haduu Ilaahay wax ka magan galo oo soo hoos galo isagoo doonaaya inuu ilaaliyona, Ilaahay wuu magan galin wuuna ka ilaalin waxaa uu ka baqaayo. Ka dib Ilaahay wuxuu yiri: kamaan laba-labeeyo waxaan sameynayo sidaan uga laba-labeeyo qaadida nafta mu'uminka anigoo u naxariisanaya darteed, waayo wuxuu neceb yahay geerida xanuunka ay leedahay darteed, Ilaahayna waa neceb yahay wixii mu'uminka xanuujiya.