Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu tusaale u keenay labo nooc oo dadka ka mid ah: nooca 1aad: waa Qofka la fadhiya Saaxiibka wanaagsan oo tusaaya Ilaahay iyo wuxuu raaliga ka yahay, oo ugu kaalmaynaaya cibaadada Ilaahay. kaasi wuxuu la mid yahay kan iibinaaya Miskiga waa inuu ku siiyo ama aad ka iibsatid, ama aad Caraf udgoon ka heshid. nooca 2aad: waa kan la fadhiya Saaxiibka Xun, ee jidka Ilaahay ka hor istaaga dadka, oo ugu kaalmaynaaya in macsi la sameeyo, oo aad ka arkaysid ficil xun, hadii kaasoo kale la la Saaxiibo oo lala fariisto dhib ayaa kaa soo gaaraya. Kaasi wuxuu la mid yahay Bir tumaha afuufa Dabkiisa, waa inay kaa gubaan Dharkaaga Dhinbilaha ka soo duulaya ama ay kaasoo gaarto Ur qarmuun.