Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay hadii labo Qof oo Muslimiin ahi Seefo isku qaataan oo midba midka kale inuu dilo doonayo, kii wax dila Naartuu galayaa sababtoo ah isagaa si toosa u dilay kii kale. Asaxaabtu waxay fahmi waayeen kan la dilay: sideebuu Naarta u galayaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay in isaguna uu Naarta galayo, sababtoo ah wuxuu ku dadaalayey inuu kan kale dilo, inuu kan kale dilona waxaa diiday uun in lagala hormaray dilka.