( Axad idinka midihi ma rumayn ilaa uu iga jeclaado waaridki, caruurtiisa iyo dadka oo dhan

Anas Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri: ( Axad idinka midihi ma rumayn ilaa uu iga jeclaado waaridki, caruurtiisa iyo dadka oo dhan.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Rasuulku wuxuu inoo sheegay in qofka muslimku iimaankiisu kaamil noqon karin ilaa uu ka hor mariyo jacaylka Nabiga scw jacaylka hooyadii, aabbihii, wiilkiisa, gabadhiisa, iyo dadkoo dhan, jacaylkaasina wuxuu keenayaa in la adeeco, loo gargaaro iyo inaan la caasiyin.

  1. Waa waajib jacaylka Rasuulku scw waana in laga hor mariyo jacaylka cidkasta oo Ilaahay abuurey.
  2. Calaamada jacaylka Nabiga scw kaamilnimadeedu: waa in sunada Rasuulka scw loo hiiliyo oo naf iyo maalba lagu bixiyo.
  3. Jacaylka Rasuulku scw wuxuu keenayaa in lagu adeeco waxa uu faro, in la rumaysto waxa uu sheegay, oo laga fogaado waxa uu reebay oo la joojiyey, iyo in la raaco oo laga tago bidcada.
  4. Nabiga scw xaqiisu waa ka wayn yahay oo ka adag yahay dadka oo dhan, waayo isagaa sabab u ahaa inaan ka soo hanuuno baadi, oo inaga celiyey naarta, kun liibaano janada.

Successfully sent!