Nabigu scw wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay Islaamka tusaale ugu keenay dariiq toosan, ee fidsan oo wax qalqalooca aan lahayn, dariiqaa labadiisa dhinac labo darbi ayaa ah, kuwaasoo xuduudii Ilaahay dhigay ah, waxaa labadaa darbi dhexdooda ah albaabbo furan oo ah xaaraantii uu Ilaahay xarimay, albaabadaasi waxay leeyihiin daahyo qofka jidka marayaa uusan arkayn wax ku jira, dariiqa bilawgiisa waxaa fadhiya mid u yeeraya dadka oo tilmaamaya farayana inay dariiqa ku socdaan oo aysan u leexan dhinacyada, kaasoo ah kitaabka Qur'aanka ah, waxaa jira mid kale oo ka dhawaaqin jidka korkiisa, midka dadka u yeeraya markastoo qofka jidka maraya uu damco inuu inyar ka furo daahyada wuu u diidayaa, wuxuuna oronayaa: war hooge ha furin! hadaad furto waad galin naftaadana kama hayn karimaysid galidee, kaasina waa waanada Ilaahay ku sameeyey qof kasta oo muslima qalbigiisa.