Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka Mu'uminku sidiisaba khayr badan yahay, hase ahaatee Mu'uminka xooga weyn xaga Iimaanka, go'aan qaadashada, maalka iyo waxa la midka ah ee wanaaga ah ayaa ka khayr badan Ilaahayna ka jecel yahay Mu'uminka Daciifka ka ah. Intaa ka dib wuxuu u dar-daarmay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Mu'uminka inuu qaato sababaha wax yaabaha anfacaya Aduun iyo Aakhiraba, isagoo Ilaahay tala saaranaya. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka reebay dadka Caajiska, Wahsiga iyo inuu ka Cuslaysto ficilka isaga anfacaya Ifka iyo Aakhiroba. Markuu Mu'uminku ku dadaalo camalka, sababihiisana qaato, isagoo Ilaahay kaashanaya, kheyrna ka dalbaya, Qofkaa waxaa la gudboon inuu arinkiisa Ilaahay u ban dhigo, wuxuu Ilaahay u doorana kheyr u yahay, Haddii intaa ka dib musiibo ku dhacado yaanu dhihin: "Haddaan sidaa iyo sidaa yeeli lahaa", ''waayo Ereyga "Low - haddan" camalka Shaydaanka ayey furtaa'' waana qadarkii oo la diidayo iyo ka qoomamayn wax tegay, laakiin waa inuu dhoho isagoo Ilaahay isku dhiibaya, kuna raali ah Qaddarkiisa'' Ilaahay ayaa qadaray wuxuu doonana ayuu falaa'', waxa dhacay waa wax Ilaahay horay u xukumay rabitaankiisana ku dhacay, Ilaahay isagaa wuxuu doono sameeya, Qaddarkiisana cidi isma hor taagi karto, loogamana dambeyn karo xugun kiisa.