Nabigu scw wuxuu cadeeyey in camalka dhamaanti niyada loo eegayo, xugunkaasina waa dhamaan camal walba sida cibaadada iyo mucaamalaadka oo dhan, qofka camalkiisa u niyeysta inuu nafac helo ma helaayo wax aan nafacaas ahayn mana helaayo ajar, qofkiise niyeysta inuu Ilaahay ugu dhawaado camalkiisa wuxuu ka helyaa sawaab iyo ajar hadii xataa uu yahay camal caadi ah sida cunida iyo cabida. Nabigu scw tusaaluu u soo qaatay si uu u cadeeyo saamaynta ay niyadu ku leedahay camalka, iyadoo acmaashu siman tahay muuqaalkooda guud, Nabigu wuxuu cadeeyey qofka u niyeysta hijradiisa ee dalkiisa uga safra Ilaahay raali galinti, hijradiisu waa mid sharci ah oo Ilaahay aqbalayo, kana ajar siinayo niyadiisoo runa awgeed, qofka hijradiisa u niyeysta inuu nafac aduun helo sida xoolo, jago, ganacsi iyo dumar uu guursado hijradiisa kama helaayo nafacaa uu niyeystay mooye mana helaayo ajar iyo sawaab.