explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka muujiya Qur'aanka akhrintiisa inuu la mid yahay Qofka muujiya Sadaqada bixinteeda, Qofka akhrinta Qur'aanka qarsadana uu la mid yahay Qofka Sadaqada bixinteeda qarsada.

explain-icon

fawaed

  • Qur'aanka akhrintiisa in la qariyo ayaa fadli badan, sida qarinta Sadaqaduba ay u fadli badan tahay, waayo waxaa ku jira ikhlaas iyo iyado laga fogaado istustus iyo is cajabin, inay dan iyo maslaxadi keento muujintiisa mooye, sida barida Qur'aanka.