Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey qaacido guud oo shay walba soo galayo, taasoo u qaybsamaysa seddex qaybood: qayb xalaal ah oo cad, qayb xaaraan ah oo cad, iyo arimo mushtabihaat ah oo aan xugunkoodu xalaal iyo xaaraan kii uu yahay aysan cadayn, kuwaasoo dad badani aanay ogaan karin. Qofka ka taga mushtabihaatka wuu ilaaliyey Diintiisa wuxuuna ka fogaaday xaaraanta, waxaana cirdigiisu ka badbaaday hadalka dadka oo ah waxay ku ceebayn lahaayeen haduu ku dhici laha mushtabihaatka. Qofkase aan ka fogaan shubuhaatka dhab ahaan naftiisu waxay halis u tahay inay xaaraan ku dhacdo ama in dadku cirdigiisa wax ka sheegaan. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu tusaale u soo qaatay, si uu u cadeeyo arinka qofka shubuhaatka ku dhaca, inuu yahay sida qof xoolaha ku ag raaca dhul ninkii lahaa dayr ku wareejiyey, waxaa laga yaabaa in xoolahaasi daaqaan dhulkaa xiran waayo way u dhaw yihiin, taas waxaa la mida qofka ku dhaca shubuhaadka, waayo wuxuu u dhawaanayaa xaaraantii waxaa dhici karta inuu ku dhaco. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in jirka ay ku jirto xubin " waa qalbiga ", uu wanaageeda jirkoo dhan ku hagaago, xumaanteedana jirkoo dhan ku xumaanayo.