explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Salaada oo lagu akhriyo seddex Aayadood ajarkeedu ka kheyr badan yahay in Qofku Gurigiisa ka helo seddex halaad oo riman oo waaweyn oo buur buuran.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa la cadeeyey fadliga uu leeyahay in Quraanka lagu akhriyo Salaada.
  • Camalka saalixa ahi ka kheyr badan oo ka caaqibo fiican xoolo lagu helo Aduunkaan dhamaanaya.
  • Fadligaasi kuma koobna oo keliya akhrinta seddex Aayadood, mar walboo Qofka tukanayaa Salaadiisa ku kordhiyo akhrinta Aayadaha khayrka iyo ajarka uu ka helaayo way ka kheyr badan tahay tiradooda geel le`eg.