(Ma jecel yahay in qof idinka mida haduu u soo laabto reerkiisa uu ka halo saddex halaad oo buur buuran oo kurus wayn?

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: (Ma jecel yahay in qof idinka mida haduu u soo laabto reerkiisa uu ka halo saddex halaad oo buur buuran oo kurus wayn?) waxaan niri: haa. wuxuu yiri: (Sadex aayadood oo midkiin ku akhriyo salaada ayaa uga kheyr badan sadex halaad oo kurus wayn).
Sahih/Authentic. - Muslim

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in salaaada oo lagu akhriyo sadex aayadood ajarkeedu ka kheyr badan yahay in qofku gurigiisa ka helo sadex halaad oo riman oo kurus wayn.

  1. Waxaa la caddeeyey fadliga ay leedahay in salaada lagu akhriyo Qur'aanka.
  2. Camalka saalixa ahi ka kheyr badan oo ka caaqibo fiican xoolo lagu helo aduunkaan dhamaanaya.
  3. Fadligaasi kuma koobna oo keliya akhrinta sadex aayadood, mar walboo qofka tukanayaa salaadiisa ku kordhiyo akhrinta aayadaha khayrka iyo ajarka uu ka helaayo way ka kheyr badan tahay tirada geela.

Successfully sent!