explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in lagu oran doono Qofka Qur'aanka akhriya, kuna camal fala, ee laasima akhrintiisa iyo xifdintiisa markuu Janada gelayo: Qur'aanka akhri oo kor ugu soco darajooyinka Janada, kuna Luuqee sidaad ugu Luuqayn Jirtay akhrintiisa Aduunka, u akhri si dagan oo xasilooni leh, Gurigaagu waa halka ay kaaga dhamaato Aayada ugu dambaysa akhriskeedu.

explain-icon

fawaed

  • Abaal marintu waxay waafaqsan tahay camalka la qabto tiro ahaan iyo tayo ahaanba.
  • Waxaa la isku booriyey Qur'aanka akhrintiisa, itqaanintiisa, xifdintiisa, tadaburkiisa, iyo ku camal falkiisa.
  • Janadu waa heerar iyo darajooyin badan, dadka Ahlu Qur'aanka ahi darajooyinka ugu sareeya ayey dagayaan.