Nabigu scw wuxuu sheegay: in Ilaahay sareeye ku yiri xaddiis Alqudsiga: suurada faatixada ee salaada lagu akhriyo waxaan u kala qaybiyey aniga iyo adoonkayga labo nus, nus anigaa leh, nusna isagaa leh.
Nuskeeda koobaad: waa mahadnaq, amaan iyo Ilaahay oo la sharfo, adoonkayga waxan ku abaal marin abaal marinta ugu khayr badan.
Nuskeeda labaad: waa is bihin bihin iyo baryo, waan ka ajiibin wuxuu i waydiistona waan siin.
Haduu dhoho qofka tukanaaya:{mahad oo shan waxay u sugnaatay Rabiga Caalamka }, Ilaahay wuxuu oran: wuu ii mahadnaqay adoonkaygu, haduu dhoho: {Allaha naxariista guud iyo tan gaarka ah leh}, Ilaahay wuxuu oran: wuu i amaanay adoonkaygu, waana i waynayey uuna ii qiray nicmooyinka aan ku galadaystay khalqigayga, haduu dhoho: {Allaha iska leh amarka maalinta qiyaamaha}, Ilaahay wuxuu oran: wuu i sharfay adoonkaygu, waana sharaf balaaran.
Haduu dhoho: {Alahayow, Adaan ku caabudaynaa oo ku kaalmaysanaynaa}, Ilaahay wuxuu oran: taasi waxay u dhaxaysa aniga iyo adoonkayga.
Nuska koowaad ee aayadu Ilaahay ayaa leh waana:(Adaan ku caabudaynaa), waana qirid Ilaahay loo qirayo Ilaahnimadiisa, iyo inuu ka ajiibay adoonka cibaadada, halkaasayna ku egtahay nuska Ilaahay leeyahay.
Nuska labaad ee aayada, ee adoonku leeyhay: (Adiga oo kaliya ayaan ku kaalmaysanaynaa), waana Ilaahay oo gargaar la waydiisto, iyo Ilaahay oo u balan qaaday inuu kaalmaynayo.
Haduu dhoho: {nagu hanooni jidka toosan *, jidka ay mareen kuwaad u nicmaysay, ee aan ahayn kuwaad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay, Ilaahay wuxuu oran: taasi waa is bihin bihin iyo baryo adoonkayga ka timid, adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay, waana ka ajiibay baryadiisa.