Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayda ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. wuxuu yiri: (Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey). Xadiis Saxiix ah - Waxa wariyay Muslim
explain-icon

Sharaxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waydiiyey Ubaya Binu Kacab Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay, jawaabtii wuu ka laalaabtay ka dibna wuxuu yiri: waa Aayatul-kursiga: {الله لا إله إلا هو الحيّ القيّوم }, Nabiguna wuu ku ayiday, wuxuuna Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku dhuftay Laabtiisa isago u ishaaraya inay ka buuxdo cilmi iyo xikmad, wuxuuna ugu duceeyey inuu ku liibaano cilmigaan Ilaahayna u fududeeyo.

explain-icon

fawaed

  • waa sifo wayn oo fiican oo loo qiray Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali noqdee.
  • Ayatul Kursigu waa Aayada ugu weyn Kitaabka Ilaahay sareeye, waxaa haboon in la xifdiyo oo lagu tadaburo macnaheeda, laguna camal falo.