explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka akhriya labada Aayadood ee u dambeeya Suurada Albaqara Habeenkii Ilaahay wuuka kaafiyaa Sharka iyo Dhibaatada, waxaa kaloo la yiri: way ka kaafidaa Salaatul-laylka, waxaa kaloo la yiri: waxay ka kaafidaa adkaarta kale, waxaa kaloo la yiri: waa waxa ugu yar ee ay kaga gudmayso akhrinta Qur'aanka ee Salaatul-laylka, siyaabo kalana waa lagu fasiray, waxaa dhici kara inuu sax yahay dhamaan waxaa lagu fasiray oo dhan oo ay erayadu soo wada galaan.

explain-icon

fawaed

  • Xadiiska waxaa kucad fadliga weyn ee ku jira dhamaadka suuratul Baqara, waana hadalkii ilaahay yiri: (آمن الرسول) ilaa dhammaadka Suurada.
  • Dhamaadka Suurada Albaqara wuxuu ka difaacaa Qofka dhibka, Sharka, Shaydaanka, haduu akhriyo Habeenkii.
  • Habeenku wuxuu ka bilawdaa dhicida Qoraxda, wuxuuna ku dhamaadaa soo bixitaanka Fajarka.