{قل هو الله أحد} Ilaahay waa Allaah keligii ah-, iyo labada suuradood ee micwadateynka "سورة الفلق iyo سورة الناس" galabtii iyo subixii sadeex jeer, way kaaga filan tahay wax walba

Cabdullaahi Binu Khubayb-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan soo baxnay habeen roob da'ayo, oo gudcur ah, anagoo Rasuulka Ilaahay raadinayna si uu noo tujiyo, wuxuu yiri: waan helnay, wuxuuna yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxaan iri: maxaan dhahaa? wuxuu yiri: dheh: {قل هو الله أحد} Ilaahay waa Allaah keligii ah-, iyo labada suuradood ee micwadateynka "سورة الفلق iyo سورة الناس" galabtii iyo subixii sadeex jeer, way kaaga filan tahay wax walba".
Sahih/Authentic. - At-Tirmidhi

Wuxuu sheegay saxaabiga wayn ee Cabdullaahi Binu Khubayb-Allaha ka raali ahaadee-: inay bexeen habeen roob badan oo gudcur ah, iyagoo raadinaya Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, si uu u tujiyo, wayna heleen, Nabigu scw wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa ''dheh'' oo uu uga jeeday akhri, waxbana ma akhrin, Nabiguna -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu ku celiyey hadalkiisa, wuxuuna dhahay Cabdullaahi: maxaan akhriyaa Rasuul Ilaahayow? Nabigu-naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: akhri suuradaha: {Al-ikhlaas}, {Al-falaq}, {Anaas}, waqtiga galabta iyo waqtiga subaxa, saddex jeer-midiiba-, waxay kaa ilaalin wax walba, xumaan oo dhana way kaa ilaaline.

  1. Waxaa suno ah akhrinta suurada Al-ikhlaas iyo labada suuradood ee micwadateynka (Al-falaq, Anaas), subaxii iyo galabtii, waxayna xirsi xir ka tahay shar oo dhan.
  2. Fadli ayey leeyihiin suuradaha: Al-ikhlaas, Al-falaq, iyo Anaas.

Successfully sent!