Cabdullaahi Binu Khubayb Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan soo baxnay habeen Roob da'ayo, oo Gudcur ah, anagoo Rasuulka Ilaahay raadinayna si uu noo tujiyo, wuxuu yiri: waan helnay, wuxuuna yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxaan iri: maxaan dhahaa? wuxuu yiri: dheh: {قل هو الله أحد} Ilaahay waa Allaah keligii ah-, iyo labada Suuradood ee Micwadateynka "سورة الفلق iyo سورة الناس" Galabtii iyo Subixii sedeex jeer, way kaaga filan tahay wax walba". Xadiis Saxiix ah - waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.i
explain-icon

Sharaxaad

Wuxuu sheegay Saxaabiga weyn ee Cabdullaahi Binu Khubayb-Allaha ka raali ahaadee-: inay bexeen Habeen Roob badan oo Gudcur ah, iyagoo raadinaya Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, si uu u tujiyo, wayna heleen, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa ''dheh'' oo uu uga jeeday akhri, waxbana ma akhrin, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku celiyey hadalkiisa, wuxuuna dhahay Cabdullaahi: maxaan akhriyaa Rasuul Ilaahayow? Nabigu wuxuu yiri: akhri suuradaha: {Al-ikhlaas}, {Al-falaq}, {Anaas}, waqtiga Galabta iyo waqtiga Subaxa, seddex jeer-midiiba-, waxay kaa ilaalin wax walba, xumaan oo dhana way kaa ilaaline.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa Suno ah akhrinta Suurada Alikhlaas iyo labada Suuradood ee Micwadateynka (Alfalaq, Anaas), Subaxii iyo Galabtii, waxayna xirsi xir ka tahay Shar oo dhan.
  • Fadli ayey leeyihiin Suuradaha: Alikhlaas, Alfalaq, iyo Anaas.