Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in istiqfaartu ay leedahay Ereyo, kuwa ugu fadliga badana ay yihiin inuu Adoonku dhoho: ''Allahayow, adaa Rabigay ah, Ilaah aan adiga ahayni majiro, waad i abuurtay ana Adoonkaagaan ahay, waxaanan ku jiraa balankaagii iyo balan qaadkaagii inta aan awoodo, waxaan kaa magan galayaa Sharka aan sameeyo dhibkiisa, waxaan kuu ogsoonahay oo qiraya Nicmooyinka aad i siisay, waxaan qirsanahay dambigayga, Allahayow ii dambi dhaaf, mid aan Adiga ahayn oo dambiga dhaafi karaa majiree'' Marka hore Adoonku wuxuu u qirayaa towxiidka, iyo in Ilaahay abuuray oo uu caabudayo isagoon cidna la wadaajin, oo Addoonku ku kusugan yahay wuxuu Ilaahay kula ballamay ee iimaan iyo u hoggaansan Ilaahay ah kolba inta Awooddiisu tahay, waayo Adoonku sikasta oo uu u cibaadaysto haddana lama iman karo dhamaan wixii Ilaahay faray ee cibaado ah, iyo inuu guto mahadnaqii looga baahnaa ee Nicmooyinka Ilaahay, Adoonku llaahay buu cuskadaa, Diintiisana qabsadaa, Isaguuna Adoonku ka hoos galaa Sharka ay Naftiisu samayso. Ilaahay ayuu u qirayaa Nicmada uu siiyey, wuxuu Naftiisa ula noqonayaa inuu qirto oo citiraafo gafkiisa iyo dambigiisa. Codsigaa uu Ilaahay u jeediyey ka dib, Adoonku wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu u dambi dhaafo, oo uu u asturo dambiyadiisii oo kaga Ndiifiyo dembiyada cafiskiisa, fadligiisa iyo naxariistiisa, waayo cid aan Ilaahay wayne kor ahaaye ahayn oo dambiyada Adoomada dhaafi karta majirto. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay ka mid tahay wardiga Subaxa iyo Habeenka, Qofka akhriya bilawga Maalinta isagoo yaqiinsan macneheedana dhadhan sanaya rumaysana, inta u dhaxaysa Qorax soo baxa ilaa Sawaalka -oo ah markay bartamaha Samada u yara dhaafto wax yar Qoraxdu xagga Qorax dhaca-, waana waqtiga Maalinimada ah ee sidaa ku dhinta Janaduu gelayaa. Qofka Habeenka akhriyana, waana Qorax dhaca ilaa soo bixitaanka Fajarka, oo sidaa ku dhinta intaanu Waabariisan Janaduu gelayaa.