Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee dhaqankiisa waxaa ka mid ahaa markuu tago Gogoshiisa si uu u seexdo wuxuu isku qaban jiray labadiisa Sacab isago kor u qaadaya sida Qofka ducaysanaya si khafiifa ayuu ugu tufi jiray Afkiisa Candhuufo yar, wuxuuna ku akhriyi jiray seddexda suuradood ee:{ قل هو الله أحد } iyo { قل أعوذ بربّ الفلق } iyo قل أعوذ برب النّاس }, ka dibna wuxuu ku masixi jiray labadiisa Sacab inta uu gaaro ee Jirkiisa ah, isagoo ku bilaabaya Madaxa iyo Wajigiisa iyo soo jeedkiisa, wuuna ku celcelin jiray ficilkaa seddex jeer.