Nina uma banaana inuu gooyo walaalkii saddex habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta

Abii ayuub Alansaarii Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka scw ayaa yiri: "Nina uma banaana inuu gooyo walaalkii saddex habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Nabigu scw wuxuu reebay in qofka muslimka ah gooyo walaalkiisa muslimka ah wax ka badan saddex habeen, iyagoo wada kulmaya oo aan isisa salaamayn oo wada hadlayn. Waxaana fadli badan labada isu caraysan kii isku daya inuu gooynta joojiyo oo salaanta bilaaba, gooyinta la sheegay waxaa loo jeedaa wax qofka dantiisa ah, laakiin gooynta ku saabsan xaqa Ilaahay leeyahay, sida in la gooyo kuwa caasiyada ah, kuwa bidcada ah iyo saaxiibada xun, taasi waqti kuma xirna ee waxay ku xiran tahay danta loo gooyey, oo hadii ay joogsato iyana way joogsan.

  1. Waxa loo baneeyey sadex maalmood iyo wixii ka yar, iyado la tix galinayo dabeecadaha dadka, waxaana laga cafiyey gooyinta sadex beri ah si uu u dhamaado khilaafku.
  2. Fadliga salaantu leedahay, iyo inay tirtirayso wixii nafta ku jira, waxayna astaan u tahay is jeclaanta.
  3. Islaamku wuxuu ku dadaalay walaaltinimada iyo isku duubnaanta muslimiinta u dhaxaysa.

Successfully sent!