Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Qofka Muslimka ah gooyo Walaalkiisa Muslimka ah wax ka badan seddex Habeen, iyagoo wada kulmaya oo aan isasa salaamayn oo wada hadlayn. Waxaana fadli badan labada isu caraysan kii isku daya inuu gooynta joojiyo oo salaanta bilaaba, gooynta la sheegay waxaa loo jeedaa wax Qofka dantiisa ah, laakiin gooynta ku saabsan xaq Ilaahay leeyahay, sida in la gooyo kuwa Caasiyada ah, kuwa Bidcada ah iyo Saaxiibada xun, taasi waqti kuma xirna ee waxay ku xiran tahay danta loo gooyey, oo hadii ay joogsato iyana way joogsan.