Abii Dardaa-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey inuu yiri: "Majiro wax ka culus miisaanka qofka mu'uminka ah maalinta qiyaamaha Akhlaaqda fiican, Illaahayna wuu u caroodaa qofka afka xun ee ma xishoodaha ah. Sahih/Authentic with its two versions. - At-Tirmidhi
explain-icon

Sharaxaad

Suubanuhu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in camalka ugu culus miisaanka mu'uminka maalinta qiyaamaha uu yahay akhlaaqda wanaagsan, waana waji furnaanta, dhibka oo dadka laga daayo iyo wax fiican oo la bixiyo. Illaahay wuu u caroodaa waxa xun ee gafka ah, hadal iyo ficilba, ee qofka xun kaga dhawaaqo carabkiisa.

explain-icon

fawaed

  • Akhlaaq wanaagu fadli aad u wayn buu leeyahay, waayo wuxuu dhaxalsiiyaa qofka jacaylka Ilaahay, iyo jaceylka addoomadiisa, waana waxa ugu wayn ee miisaanka Aakhiro ugu culayska badan.
explain-icon

cats

explain-icon

dheeraad/kordhin