Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa u soo galay adeerkii Abii Daalib isagoo sakaraadkii ku jira, wuxuuna ku yiri: adeerow, dheh: ..laa Ilaaha Ilaa Allaah.., kalimadaas aan Ilaahay agtiisa kaaga markhaati furee, Abuu Jahal iyo Cabdullaahi Binu Abii Umaya oo la joogay baa yiri: Abuu Daalibow ma diintii Aabahaa Cabdul-mudalib baad ka bixi?! taasoo ahayd sanam la caabudo, kama ay dultagin siday ugu cel-celineyeen ilaa uu yiri hadalkii ugu dambeeyey ee uu kula hadlo iyaga, isagoo yiri: diintii Cabdul-mudalib ayaan haystaa, waa diintii shirkiga iyo sanam caabudka ahayd. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waxaan kuugu ducayn dambi dhaaf hadaanu Rabigay iga diidin arinkaa, waxaa soo dagay hadalkii Ilaahay yiri: "Maaha Nabiga iyo muminiintu inay u dambi dhaaf waydiiyaan mushrikiinta, haba ahaadaan kuwo qaraabo ahee, ka dib markay u cadaatay inay yihiin dad ahlu naar ah} [tawbah:113], Waxaan ku soo dagay Abii Daalib xaalkiisa hadalka Ilaahay yiri: "Nabiyow- adigu xaqa kuma hanuunin kartid qofkaad jeceshahay, laakiin Ilaahay ayaa hanuunka haya oo hanuunka siiya mid kuu doono, Isagaana og kuwa hanuunsan} [Alqasas: 56], Adigu ma hanuunin kartid qofkaad hanuunka la doonto, waxaase ku saaran gaarsiin, Ilaahay ayaana hanuuniya ciduu doono.