Abuu Hurayra wuxuu wariyey Allaha ka raali ahaadee qeyb ka mida sifooyinkii Salaada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ka waramay inuu Nabigu markuu Salaada isku taago takbiiratul-ixraamka ku bilaabi, hadana uu takbiiran jiray markuu rukuucayo, markuu sujuudayo, markuu sujuuda ka toosayo, markuu Sujuuda labaad sujuudayo, markuu kasoo toosayo Sujuuda labaad, markuu ka kacayo fadhiga labada Rakcadood ee hore, Salaadaha Maqribka iyo kuwa Afarlayda ah, sidaas buuna samayn jiray Salaada oo dhan, ilaa uu gudanaayo Salaada, marka uu Rukuucda ka toosayana wuxuu dhihi jirey: Samica Allahu liman xamidah (Ilaahay wuu maqlaa midka ku xamdiya, hadana wuxuu dhahayey isagoo taagan: Rabanaa lakal-xamdu (Rabigayow aday mahadi kuu sugnaatay). Ka dib wuxuu oronayey Abuu Hureyra markuu Salaada ka baxay: Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, Salaadaydaa ugu ekaansho badan Salaadii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee sidaa ayey ahayd sifada Salaadiisu ilaa uu Dunida ka tegay.